Advertisement

Corona ma in loo mahadceliyaa mise waa in ilaahay laga magangalo?

Corona ma in loo mahadceliyaa mise waa in ilaahay laga magangalo? Corona ma in loo mahadceliyaa mise waa in ilaahay laga magangalo? Gaalada ma loo duceyn karaa? Ducada iyo istighfaarta maxay ka qaban kartaa Coronaviruska.

Waxaan la yaabaa kuwa leh shukran Corona waxaad xidhay meelihii fasaadka, iyo xumaanta!! Waxaad fartay macruufka waxaad reebtay munkarka!!

Waxay hilmaameen in Corona xidhay xaramkii Allaah, Corona sabab u noqotay in aan masaajidyo badan lagu tukan jimcihii, aniga qoraya labo jimco ayaa igu dhaaftay. 😢😢

Waxay hilmaameen in Corona galaaftay noolasha dad badan oo muslimiin ah oo weli ay ku jiraan dad aan hebel iyo hebel u aqaan!! Ilaahay ha raxmado.

Waxay hilmaameen in walaalo badan u jiifaan oo xanuun la il daran yihiin, waxay hilmaameen inta ku shaqa weysay.

Intaas marka laga soo tago diinteenna wanaagsan iyo caqliga quman ma ogola in aad dadka dhib guud la jeclaato, ma banaana in gaalada si guud loo habaaro, in dhib iyo xanuun lala jeclaado, bal waxaa waajib ah in si wada jir ah dhibka looga hortago.

Reer galbeedka iyo wadamada uu dhibka saameeyay waa kuwii magangalyada nasiiyay, waa kuwii hoyga nasiiyay, waa kuwa aan baasabooradooda ku dhoofno, dhibka ku dhaca waa mid nagu dhacay.

Xaqiiq Corona ma kala taqaan masjid iyo kaniisad, gaal iyo muslim, kalaab lagu tunto iyo Madaraso quraan, ee aan ilaahay si wada jir ah u weydiisanno in dhibka naga hayo

Somalia,Islam,arrimaha,qoyska,galmo,guur,Duco,baro salaadda,attaxiyaadka,aroos,furitaanka,Axkaamta,Ramadan,salaadda,Sunooyinka,Ducooyin,Allaah,Somaliland,Puntland,Galmudug,Koonfur Galbeed,Gabdho Soomaaliyeed,Dowladda,Al-shabaab,Muslim,Ragga soomaaliyeed,film cabsi,Mucjiso,Caafimaad,Cadceed,Xamda Xaaji,Lamaanaha,jeceyl,Caashaq,Heeso macaan,Galmo,Raaxo,

Post a Comment

0 Comments